Wednesday, April 16, 2025
Caafimaadka

Waa maxay faa’idooyinka Timirta?

Timirtu Waa midho macaan oo midab madaw ah oo kabaxda geed Timireed.Waxay ka baxdaa inta badan cimilo saxare ah Sida cimilo kulul iyo cimilo oomane ah, Waxayna leeyahay taariikh qadiima, Jidhkana waxay u leeyahay faa’idooyin badan.Sidoo kale waxay ka koobanyahay xaddi Nafaqo oo aad ubadan.Waxaana la isticmaali karaa markay cusubtahay iyo markay qallantahay, Marka ay qallantahay ayay Nafaqo badantahay.Timirtu waxa ku Jira xaddi badan oo Viber ah.Waxay leedahay dhadhan macaan.Sababtoo ah waxa ku Jira xaddi aad ubadan oo bir ah.Waxa kale oo ay door muhiim ah ka ciyaartaa la dagaallanka dhiig-yarida.

Xaddiga nafaqada ee timirta

Timirta qallalan si caadi ah ayaa loo cunaa, Ka koobnaanshaha ay ka koobanyahay Fiitamiino iyo macdano,Timirtu waxay faa’ido u leeyahay wadnaha iyo sambabada. Xaddiga nafaqada Timirta qallalan oo dhexdhexaad ah waasidan Soo socota.Timirtu waxay ka koobanyahay Tamar qiyaasteedu tahay 25 oo kala ah:

Dufanka: 0.4g

Karbonhaydarayt: 5g

Faybarka: 0.7g

Sonkorta: 4.5g

Borotiinka: 0.19g

Vitamin B-6: 0.012mg

Birta: 0.1mg

Magnisiyam: 4mg

Potasiyam: 50 mg

Waa maxay faa’idooyinka caafimaad ee timirtu?

Timirtu faa’idooyin badan ayay ku u leeyahay Caafimaadka dadka sababtoo ah waxay ka koobanyahay calcium, iron, fosfooraska Potassium, magnesium iyo Zinc.Si ka duwan sonkorta, ma soo saarto kalooriya madhan, taas oo u oggolaanaysa sonkortu inay jidhka u gasho hab caafimaad leh, Faa’idooyinka caafimaad ee Timirta waxaalooqori karaan sidan Soo socota:

1. Wuxuu nidaamiyaa ama hagaajiyaa dheefshiidka

Timirta waxa ku Jira fiber, Midhaha fiberku ku jiro ayaa ka hortagga dhibaatooyinka dheefshiidka Sida calool istaagga, Sidoo kale waxay nidaamiyaa dhaq-dhaqaaqa midhiciradda.

2. Waxay jidhka ka ilaalisaa xanuunka

Timirtu waxay hodan ku tahay [ Antioxidant ] Antioxidants waxay qabtaan faa’idooyin caafimaad oo badan waxay ka hortagaan xanuunada raaga, waxay kale oo ay ilaaliyaan Caafimaadka wadnaha iyo dhiigga.

3. Waxay ilaalisaa Caafimaadka lafaha

Timirtu waxay hodan ku tahay ilaha Soo saarka, Naxaasta, Magnesium, Selenium, Fiitamiinada iyo macdanahan waxay muhiim u yihiin lafaha Caafimaadka qaba iyo ka hortagga xanuunada la xidhiidha lafaha Sida lafo-jileeca, sidoo kale waxa ku jira Vitaminada kala ah, Vitamin K iyo Boron kuwaas oo saameeya Caafimaadka lafaha.

4.Waxay taageertaa Caafimaadka maskaxda waxayna xoojisaa xasuusta

Waxay maskaxda ka ilaalisaa Xanuunka Asaasaqa sababtoo ah waxay ka koobantahay Vitamin B marka si joogta ah loo isticmaalo ama si dhex-dhexaada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *