Wednesday, April 16, 2025
Diinta Iyo Nolosha

Sagaal sir oo salaadda lagu ilaaliyo

Alle waxa uu ku farad yeelay umadda nabi maxamed NNKH Shan salaadood maalintii iyo habeenkii waxana uu Ina amray inaynu ilaalino Sida uu alle kitaabkiisa ku yidhi::”فَإِذَا قَضَيْتُمُ الصَّلَاةَ فَاذْكُرُوا اللَّهَ قِيَامًا وَقُعُودًا وَعَلَىٰ جُنُوبِكُمْ ۚ فَإِذَا اطْمَأْنَنتُمْ فَأَقِيمُوا الصَّلَاةَ ۚ إِنَّ الصَّلَاةَ كَانَتْ عَلَى الْمُؤْمِنِينَ كِتَابًا مَّوْقُوتًا( Markaad salaadda tukataan Ilaahay xusa idikoo taagan, idinkoo fadhiya, idinkoo dhinaciinna u jiifa markaad xasishaan ee deganaansho heshaan, salaadda ooga, salaaddu waxay noqotay dadka rumeeyay ilaahay dushooda mid lagu Waa jibiyay oo waqti leh)

Maadaama bishii Ramadan innagu soo dhawdahay waxa muhiim ah inaad sagaalkan qodob sifiican uga bogato Si aad salaadaad jamaca ugu ilaaliso.

  • Markaad maqasho aadaamka waxa kasta oo aad gacanta ku hayso faraha ka qaad masajidkana toos u tag.
  • Tuko salaad Alle SWT u gooni yeeshay oo istusnimo aan kaa ahayn, taasi waxay ka dhigaysaa qofka tukanaya inuu helo amaal marinta salaadda, ajarkeeda iyo salaadda oo Alle ka aqbalo
  • Badi baryada ilaahay SWT iyo inaad Alle la munaajooto, sidoo kale inaad Alle isu dhul dhigto, taasina waxay keenaysaa inaad Alle kuu fududeeyo joogtaynta iyo gudashada salaadda. Ducooyinka aad ku ducaysan karto waxa ka mid ah: ( رب تجعلني مقيم الصلاة ومن ذريتي)
  • Xadhiidh adag la yeelo Alle SWT, Taasina waxay kaa dhigaysaa inaad salaadda waqtigeeda ilaaliso, sidoo kale waxay kuu sahlaysaa inaad xidhiidha wanagaasan Ilaahay layeelato inaad u xiisooto salaadda iyo munaajaadka ilaahay aad layeelanayso.
  • Inaad ilaaliso waqtiyada salaadda, Sida inaad u samaysato baraarujiye [Alarm] sidoo kale salaadaha waqtiyada hurdada inaad qof balansato ku kiciya.
  • Waa inaad markasta xasuusnaato fadliga salaadda, iyo qofka kataga salaadda Si kama’ ah inuu dambiile yahay. Sidoo kale Waa inaad xasuusnaato in salaaddu tahay camal ugu horeeya ee qiyaamaha la xisaabin doono. Sidoo Nabigu NNKH inoo sheegay:( أول ما يحاسب العبد يوم القيامة الصلاةكنمت
  • Inaad nafta xasuusiso in salaaddu kaa bad baadinayso cadaabka naarta iyo cadhada Alle SWT iyo in dambiyo lagaaga dhaafo. Intaa waxa dheer inay soo jiido arsaaqda faqrigana way ka ilaalisaa qofka tukada Alle SWT waxa uu ku jidhi:[وأمر أهلك بالصلاة واصطبر عليها لا نسألك رزقا نحن نرزقك والعاقبة للتقوى

[ far Nabi maxamadaw ehelkaaga salaadda Kuna sabir, Arasaaqad Kuma waydiisanayno annaga ayaa ku arsaaqayna cidhibta wanaagsanna Alle kacabsiga ayaa leh].

  • Had iyo jeer xasuusnaw fadliga salaadda.
  • Ku celceli ducooyinka diiniga ah ee ku fududaynaya inaad Shanta salaadood tukato. Waxaana ka mid ah ducooyinkaas:-

( رب اجعلنى مقيم الصلاة ومن ذريتي )

( رب نسألك الهدى والتقى والعفاف والغنى رب اجعلنى مقيم الصلاة ربنا وتقبل دعاء )

( اللهم أعنا على الصلاة وتقبلها منها يا رب يا كريم والله إني مقصر في صلاتي لكن رحمة ربي عظيمة )

اللهم إني أسألك الهداية يا رب العالمين ) ( اللهم إهد تارك الصلاة اللهم اجعله هاديا مهديا

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *