Ma dareentaa daal ka dib markaad wax cunto? Siyaabaha lagu dawayn karo dhibaatadan.

Madareentaa daal ka dib markaad wax cunto? Dad ayaa laga yaabaa inay dareemaan daal, hurdo, iyo inay heerka tamarta jidhku hoose u dhacdo, Laakiin Sida caadiga ah Marka qofku cunto cuno Waa inuu dareemo firficooni markuu cuntada cuno ka dib, jidhkuna ku tamariyo cuntadaas. Laakiin waxa jirikara sababo keena daal iyo caajis cunista ka dib. Maqaalkan waxan kaga hadli doonaa sababta qofku daalka u dareemayo cunista ka dib iyo Sida laysaga ilaaliyo.
Maqaalkan waxaad ku aqrin doontaa:-
- Maxaad u dareentaa daal cunista ka dib?
- Dareemidda daalka cunista ka dib ma wax iska caadiyabaa?
- Cuntooyinka keena inaad daal dareento cunista ka dib.
- Cuntooyinka Borotiinka hodanka ku ah waxa ka mid ah kuwaan Soo socda:-
- Cuntooyinka Carbon haydaraytka hodanka ku ah waxa mid ah kuwan Soo socda:-
- Dareemidda daalka cunista Roodhida ka dib.
- Ma muhiim baa inaan iska dayno cunista Roodhida si aynaan daal u dareemin cunisteeda ka dib?
- Sida laysaga ilaaliyo daalka cunista cuntada ka dib.
- Cun cuntooyin yaryar maalintii
- Hurdo kugu filaan seexo maalintii
- Samee jimicsi jidheed
- Cun cunto caafimaadleh oo dheellitiran
- Iska ilaali cabitaanka badan ee Qaxwaha ama Coffeega
- Goorma ayay halistahay in la dareemo daal cunista cuntada ka dib?
Maxaad u dareentaa daal cunista cuntada ka dib?
Dad badan ayaa dareema daal cuntada ka dib, waxaana sababta dhawr arrimood ay ka mid yihiin Qodobadan Soo socda:-
- Noocyada cuntooyinka qaar ayaa markaad cunto Soo daaya hormoono ku dareen siinaya daal.
- Cunista cunta badan oo ka wayn awoodda jidhka waxay sababtaa inaad dareento daal cunista ka dib.
- Tayada hurdada aad seexato ayaa saamayn ku yeelan karta, Dhakhaatiirtu waxay ku taliyaan todoba ilaa sagaal saacadood inaad seexato habeenkii. Xattaa hadaad hal habeen sifiican u seexan waydo waxay keenaysaa inuu khakhalo galo nidaamka hurdadu. Taasina waxay keenaysaa inaad daal dareento cunista ka dib.
Inaad daal dareento cunista cuntada ka dib ma wax caadiyabaa?
Waa caadi inaad daal dareento cuntada ka dib gaar ahaan cuntooyin ay ka buuxaan carbohaydaraytyo iyo borotiino. Dhiif shiidka cuntadu waxay qaadataa laba saacadood ilaa afartan daqiiqo iyadoo ay ku xidhantahay hadba nooca cuntada. Hadday tahay cunta culus waxay keenaysaa daalbadan iyo caajisnimo.
Hormoonada ayaa iyaguna door muhiima ka qaata habka dheefshiidka. Khubadara qaar ayaa aaminsan in dadku ay daal dareemaan ka dib markay wax cunaan sababtoo ah jidhkoodu wuxu Soo daaya Serotonin badan. Serotonin Waa kimiko nidaamisa Nidaamka hurdada. Trytophan waa amino acid laga maarmaan ah oo laga helo cuntooyinka hodanka ku ah borotiinka sida digaaga, ukunta, iyo beedka. Trytophan waxay ka caawisa jidhka inuu Soo saaro serotonin.
- Cunista cuntadu waxay sidoo kale keentaa in heerka sonkorta dhiiggu kor u kacdo, Taas oo keenta in tamarta jidhka ku Jirta yaraato, sidoo kalena keenaysa inaad dareento daal.
Cunista cuntada ka dib, Insullinku Waa furaha fura sonkorta dhiigga, cuntada markaad cunto ka dib.Sonkorta dhiigga ayaa kor u kacda.Insullinku waxay gashaa dhiigga si ay sonkorta uga Soo saarto dhiigga oo ay gayso unugyada tamarta. Sidaas darteed hadaanad haysan Insullin kugu filan ama aad leedahay heerka sonkorta dhiigga oo sarreeya. Waxay sabab u noqon kartaa inaad dareento daal cunista cuntada ka dib.
Cuntooyinka markaad cunto aad dareemayso daalka.
Cuntooyinka kaa dhigaya inaad dareento daal waxa weeyi cuntooyinka hodanka ku ah Borotiinada iyo karbohaydaraytka waxaana ka mida:-
- Hilibka digaaga.
- Beedka ama Ukunta.
- Koostada.
- Caanaha.
- Kalluunka.
Cuntooyinka hodanka ku ah karbohaydaraytka waxa ka mid ah kuwan Soo socda:-
- Macmacaanka Sida keega buskudka.
- Baastada.
- Roodhida cad.
- Bariiska.
- Sonkorta.
Haddii aad badsato cuntooyinkaas aan Soo sheegnay waxay culays kuu horseedi karaan inuu culays iyo cadaadis badan fuulo hab dhiska-dheefshiidka.
Cuntooyinka dufanka leh iyo kuwa culusba waxay qaataan waqti dheer si loo dheef-shiido, Sidaas darteed waxa laga yaabaa inaad daal dareento. Sababtoo ah dheef-shiidka ayaa saa’id u shaqayna. Si aanay taasi kugu dhicin Waa inaad cunto cuntdo dheelli tiran, oo ka kooban midho, Borotiino, Faybar iyo cuntada dufanka Caafimaadka leh.
Daalka ladareemo cunis Roodhida ka dib.
Roodhidu waxay ka mid tahay cuntooyinka dad badan nolol maal-ay ka dhigtaan, Waana shay laga maarmaan u ah qaysas badan, Gaar ahaan markaanad helayn cuntakale oo aad ku badasho. Laakiin roodhidu waxay ka mid tahay cuntooyinka daalka ladareemo Marka la cuno ka dib.
Markaad Roodhida cunto jidhku wuxu si deg-deg ah u soo daaya Insulin, Taasoo kiciyaan kabohaydarayt la sifeeyay. Hormoonka jidhka u suurta galiya inuu seexdo waa Melatonin. Hormoonka Melatonin waxa aad loo soo saara Marka cunta aad cuntay ay ku jiraan xaddi badan oo karbohaydaraytka sifeeyay, waxa kaloo laga yaabaa inaad hurdo dareento markaad Roodhida cunto iyadoo sababaysa in heerka dhiigga sonkortu kor u kacdo, inyar oo Tamar ah ayaad ka helaysaa intaa ka dib daal iyo hurdo ayaad dareemaysaa.
Miyaynu iska daynaa cunista Roodhida si aynaan u dareemin daal.
Muhiim maaha inaad Gabi ahaamba Roodhida iska dayso, laakiin Waa inaad isticmaasho Roodhida ka samaysan midhaha dhamaystiran. Taas oo keenaysa in insulliinta si tartiib ah, sidoo kalena sababi karta inuu sugu sonkorta dhiigga, waxa kale oo si tartiiba u Soo daysaa seratonin. Intaa waxa dheer Inay ilaaliyaan heerka tamarta jidhka sidaana waxaad cuni kartaa Roodhida adigoon dareemaan daal ka dib markaad cunto.
Waxaad ku badelin kartaa roodhida cad cuntooyinka kale oo caafimad leh sida boorashka caana fadhiga iyo qaar kaleba sid aad u cunto cunto caafimaad leh.
Sideen iskaga ilaalin kartaa daalka cunista cuntada ka dib.
Ma dareentaa daal markaad wax cunto? Haddii aad ka mid tahay dadkaas waxaan ku tusi doonaa talooyin kaa caawinaya inaanad daalin markaad cuntada cunto qodobadan kaga bogo.
- Cun cuntooyin koob-kooban
Halkii aad ka cuni lahayd cunto badan, waxaad tijaabisaa inaad cunta yar cunto. Khubaradu waxay ku taliyaan inaad cuntid kala badh cuntadaada caadiga ah, intaa ka dib cunta yar oo fudud raaci ama ka horraysii. Waxa fududaan doonta in la dheef-shiido mana dareemin doontid daal.
- Seexo hurdo kugu filan
Hurdada aad seexo waxay qayb katahay waxaad dareemayso markaad wax cunto ka dib. Maalintii Waa inaad seexato ugu yaraan saacad.hadaanad seexan hurdo kugu filan waxa lagayaabaa inaad dareento daal cunista cuntada kadib.
Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay habeenkii seexan kari waayaan ama ay hurdadu daahdo maalintaa xigta ay dhibaato la kulmaan iyo dal ay dareemaan cunista cuntada ka dib. Markaad hadaad doonayso inaanad daal dareemin habeenkii seexo hurdo kugu filan.
- Samaynta jimicsiga
Joogtaynta jimicsigu wuxu kaa caawinayaa in dhiigga jidhku ahaado mid degan iyo tamarta jidhku ahaatu mid sugan. Sidaas darteed markaad isticmaasho cunto culus Waa inaad lugaysaa ugu yaraan 10 ilaa 15 daqiiqo si dheef-shiidku u fududaado. Sidoo kale jimicsigu jidhka waxa siiyaa tamarta uu u baahanyahay.
- Cunto cunto caafimaad leh oo dheellitiran
Dad badan ayaa laga yaabaa inay diirrada cunista cuntada karbohaydarayt iyo Borotiinada oo ay iska indho tiraaan cunista khudaarta. Taas oo kordhin karta daalka iyo caajiska cuntada ka dib. Sidaas darteed waxa fiican in la isticmaalo kabohaydaraytyada Sida harkooga ama khudaarta Sida barasha macaan digirta, kala badh cuntada aad cunayso Waa inay qayb ka ahaadaan. Markaa cuntada aad cunayso qayb ahaato karbohaydarayt iyo Borotiin.
- Isticmaalka kafeega ama Qaxwaha.
Xaddi badan oo kafay ah ama waxay keeni kartaa hurdo la’aan. Subaxa hore Hal kood cab, Haddii aanad ka maarmayn ku bedel Shaah halka Qaxwaha.
Goorma ayay halistahay inaad daal dareento cunista cuntada ka dib.
Haddii aad isku dayday tallaabooyinka aan Soo sheegnay dhamaantood walina aad dareemayso daal ka dib markaad wax cunto, Waa inaad latashato dhakhtarkaaga.
Xaaladaha caafimaad ee keeni Kara daal badan cuntada ka dib waxa ka mid ah kuwan Soo socda:-
- Dhiig-yaraan.
- Xanuunka macaanka.
- Xasaasiyadda.
- Naqaska oo kugu dhegta xiliiga hurdada.