Ka hor tagga xanuunka Macaanka
5 Tallaabo oo laga hortago xanuunka macaanka.
Beddelidda qaab-nololeedkaaga waxay noqon kartaa tallaabo muhiim ah oo aad u qaaday ka hortagga cudurka Macaanka, Walina fursad ayaad haysataa inaad bilawdo isbadal-nololeed, Tallaabooyinkan ayaa muhiim ah.
Isbeddelka hab-nololeedku waxay kaa caawin karaan inaad iska ilaaliso nooca 2aa ee sonkorowga, Waana nooca ugu badan ee sonkorowga,Haddii aad halis dheeraad ah ugu jirto inaad qaaddo nooca 2aad ee sonkorowga Waxaana keena Cayyilka, miisaanka, ama kolestaroolka oo sare u kaca, Ama inaad hiddo u leedahay Sida in hooyada, aabbahaa ama awoowgaa aad ka hiddo raacdo.
Haddii lagaa helo xanuunada hordhaca u ah macaanka Sida ( sonkorta dhiigga oo sare u kacda iyadoon gaadhin xilligii la odhanlahaa macaan ayaad qabtaa, hab-nololeedka ood badasho iyo tallaabooyinkan ood raacdo waxay kaa caawinayaan inaanu Xanuunka sonkorowgu kugu Soo deg-degin.
Macaanka ama sonkorowgu waxa uu sababaa kelyaha oo hawlgaba neerfa-xanuunka iyo xanuuno wadnaha ku dhaca.
Deji yoolka dhimista miisaanka oo ku salaysan miisaankaaga hadda. Kala tasho dhakhtarkaaga yoolalka qaabka aad u samaynayso miisaan dhimista sida luminta 1 ilaa 2 rodol todobaadkii.
1. Dhimista miisaanka xad-dhaafka ah.
Dhimista miisaanka xad-dhaafka ah waxa uu yareeyaa halista in macaanku kugu dhaco,Daraasad ballaadhan oo lasameeyay ayaa kasoo qaybgalayaashu waxay hoos u dhigeen khatarta ah inay ku dhaco cudurka Macaanka qiyaastii 60% ka dib markii ay lumiyeen qiyaastii 7% miisaankooda iyagoo isbadal ku sameeyay jimicsiga iyo cuntada ay cunayaana.
2. Samee Jimicsi jidheed oo joogta ah.
Waxa Jira faa’dooyin badan oo jimicsigu leeyahay oo kaa caawin kara:
Miisaan yaraynta.
Yaraynta sonkorta dhiigga.
Kordhinta dareenkaaga insulinta ,taas oo kaa caawinaysa in sonkorta dhiiggaaga lagu hayo inta caadiga ah.
Waa kuwan qaar ka mid ah yoolalka loogu talagalay dadka waaweyn intooda badan si ay kor ugu qaadaan miisaan dhimista oo ay u ilaaliyaan miisaan caafimaad leh:
Qodobadan Waa qaar ka mid ah yoolalka dadka waawayn intooda badan Si ay kor ugu qaadan miisaan dhimista oo ay u ilaaliyaa miisaan caafimaad leh.
Jimicsiga hawada Waa inaad maalintii 30 daqiiqo jimicsiga looyaqaan jimicsiga hawada kiisa fudud iyo kiisa adagba, Sida socodka ded-dega ah,dabaasha, kaxaynta baaskiiladaha, gucla-orodka, Samee jimicsigaa usbuucii ugu yaraan 150 daqiiqo.
Jimicsiga murqaha, jimicsiga murquhu wuxu kordhiyaa miisaanka jidhka iyo isku dheelitirnaanta jidhka, ugu yaraan 3 jeer Samee usbuucii.
Yaraynta dhaqdhaqaaq la’aanta. Waa inaad fadhiga badan iska ilaaliso Sida inaad cimputerka in badan dul fadhido oo dhawrkii saacadadoodba aad yara karacdaa waxay kaa caawinaysaa in sonkortu jidhka ka baxdo.
3. Cun cuntooyinka dhirta Caafimaadka leh
Cuntooyinka dhirtu waxay jidhka siiyaan Fiitamiino, macdan iyo karbohaydraytyo.Carbohydratesku waxay ka kooban yihiin sonkorta iyo noocyo kamida carbohydrateska, kuwaas oo ah ilaha tamartu ku jirto, oo ay lasocoto (fiber).
Cuntooyinka hodanka ku ah faybarka waxay yareeyaan miisaanka iyo yaraynta khatarta cudurka macaanka.sidaas darteed Waa inaad cunto dhirta hodanka ku ah faybarka Waxaana ka mid ah:
Midhaha Sida tamaandhada ama yaanyada, basbaaska.
Khudaarta aan istaarji ahayn, sida khudaarta cagaaran ee caleenta leh, brokoli, iyo tufaax
Khudaarta carbohydratesku ku yartahay Sida, tufaaxa,khudaarta cagaarab caleenta leh.
Digirta,Cadaska,Harikooga.
Midhaha oo dhan, Sida makaroonaha roodhida kasamaysan,Sida sarreenka, boorashka, garawga.
Faa’idooyinka Faybarka
Wuxu nuugaa sonkorta jidhka sidoo kale Wuxu yareeyaa heerka sonkorta dhiigga
Wuxu ka hortagaa xanuunada ku dhaca wadnaha Sida cadaadiska dhiigga iyo caabuqa.
ka fogow cuntooyinka ay ku jiraan kabohaydrayada xun,
Waana cuntooyinka ay sonkortu ku badantahay oo fayberkuna ku yartahay ama nafaqadu.Roodhida cad iyo macmacaanka,baasto kasamaysan daqiiqda cad, iyo cuntooyinka la warshadeeyay ee sonkortu ku badantahay.
4. Cun cuntooyinka dufanku ku yaryahay.
cuntooyinka dufanka leh waxa ku Jira heerar sare oo kalooriya ah waana in qofku Si dhexdheed ah aad u isticmaasho, Waa laga maarmaan cuntooyinka aanay ku badnayn mararka qaarkood.
Cuntooyinka laga helo Dufanka.
Saliid Saytuun,Gabaldayaha,Midhaha suufka iyo saliida kaanoolaa.
Lawska, Fuul-suudaani,Bocorka.
Kaluunka, Sida salmon, Tuunaha,
Cuntooyinka dufanku ku badantahay waxa laga helaa Caanaha iyo Hilibka, xaddi yar oon badnayn ka isticmaal Sida Hilibka cas ee aan baruurta lahayn iyo digaaga.
5.Ka fogaw cuntooyinka aan fiicnaan oo dooro cunto caafimaad leh.
fudud oo gacan ka geysan karta samaynta go’aannada wanaagsan ee ku saabsan doorashooyinka cuntada iyo qaybaha habboon. Waxaad kor u qaadi kartaa cunto cunid caafimaad leh adoo u qaybiya cuntadaada saddex qaybood
Waxa laga maarmaan ah inaad qaybiso cuntooyinkaaga Quraacda, qadada, iyo cashada. Cunrada aad cunayso Waa inay ku habboontahay xilliga aad cunayso.Saddexdan qaybood u qaybi cuntooyinkaaga:
Cuntadaada kalabadh hanoqoto khudaarta sideeda lagu cunto iyo khudaarta lakariyoba.
Rubuc ka mid ah cuntada aad cunaysonka dhig cuntto waddani.
Rubuca labaad waxaad ka dhigtaa cuntooyinka borotiinka leh, Sida digirta, Sida kaluunka, iyo Hilibka aan dufanka lahan.
Goorma ayaa lagaga baahanyahay inaad Cisbitaalka tagto.
Dhakhaatiirta cudurka macaanka ku takhasusay waxay ku taliyaan in Si joogto ah dadka macaanka qabaa isku baadhaan gaar ahaan:
dadka da’doodo kawayntahay 45 jir
Haweenka macaanka qaba ee uurka leh
Dadka qaba xanuunada keena inuu macaan ku dhici karo.
Caruurta aad ka u cayyilan miisaan kooduna badanyah
ay sidoo kalena leh hiddo raaca xanuunka macaanka.