Friday, April 18, 2025
BlogCaafimaadka

3 Maalmood gudahood kaga saar sun jidhkaaga ku Jirta, Karootada ku nadiifi Mindhicirada iyo Beerka.

Maqaalkan waxaad ku aqrin doontaa

  • Maalinta 1 ilaa Maalinta 3 : Qorshaha sun saarint ee Karootada.
  • Aroortii ( Caloosha oo madhan ) Sharaabka Karootada oo liin leh.
  • Galinka hore inyar oo kaarooto la jarjaray qaydhin.
  • Qadada: Maraq kaarooto iyo Sinjibiil.
  • Duhurka ka dib sharaab kasamaysan kaarooto iyo Tufaax.
  • Cashada kaarooto la kariyay.
  • Talooyin guud oo ku saabsan habka sunta looga saaro jidhka adigoo isticmaalaya Karootada.

Maalinta 1ilaa maalinta 3: Habka looga saaro sunta adigoo adeegsanaya Kaarooto.

1.Aroortii Caloosha oo madhan isticmaal sharaab kasamaysan Kaar iyo liin-dhanaan:-

  • 2-3 Kaarooto waavwayn oo lashiday
  • Jeex liin-dhanaana oo la miiray.
  • Karootada too qaad ku dar liin-dhanaanta ka dib isku walaaq ama qas.

Faa;idooyinkiisa:-

Cabitaankani waxa uu siiyaa jidhka xaddi aad u badan oo beta-carotene ah, kaas oo jidhku u badalo fiitamiin A, Kaas oo taageera Caafimaadka beerka iyo nadiifinta beerka. Liin-dhaantuna waxay wanaajisaa habka saarista sunta waxayna siisaa fiitamiin C

2. Inyar oo Kaarooto ah isticmaal galin ka hore:

Waxyaabaha uu ka koobanyahay:

Diir Karootada si dhuudhuuban u jar jar ka cun.

Faa’idooyinkiisa: Kaarootadu wuxu hodan ku yahay faybarka oo dheef-shiidka wanaajiga mindhiciradana nadiifiyo.

3. Qadada isticmaal Maraq kaarooto iyo Sinjibiil

Waxyaabaha uu ka koobanyahay:

  • Kaarooto
  • Sinjibiil
  • Basal
  • Toon
  • Maraq khudradeed.

Diyaarint:

Isku shiil Toonta Iyo Basasha, Ka dibna ku dar, ka dib ku dar Sinjibiil iyo kaarooto la jarjaray, intaa ka dib ku dar Maraq khudradeed, Isku kari ilaa inta dabacasuhu ka jilcayo, ka dib isku walaaq ilaa intay dixiin ka noqonayso.

Faa’idooyinkiisa:-

Maraqan waxa fudud in la dheef-shiido, Sinjibiishuna waxay ka hortagtaa dibirada waxay ka qayb qaadataa sun ka saarista jidhka.

4. Sharaab ka samaysan Tufaax iyo Kaarooto:-

Waxa yaabaa uu ka koobanyahay:-

  • Xabada Karooto oo wayn.
  • Tufaax.
  • Jeex yar oo Sinjibiil ah.
  • Biyo ama biyaha Qumbaha.

Diyaarinta:

Isku walaaq dhammaantood ilaa inta ay is dhex gelayaan.

5. Cashada: Kaarooto lagu kariyay bukhaar

Waxyaahaba uu ka koobanyahay:-

  • Karooto dhamaystiran.
  • Saliid saytuun.
  • Zacter iyo Bacduunas.

Diyaarinta:

Kari Karootada ilaa inta uu ka jelcayo, intaa ka dib ku dar saliid saytuun iyo celeen daraya ah Sida baqduunaska.

Faa’idooyinkiisa:

Cashadan khafiifka ah ee fudud waxay u fiicantahay dheef-shiidka, taas oo kuu sahlaysa inaad habeenkii raaxo dareento calooshu. Caleenta Sactarka iyo Bacdoonasku waxay ka qayb qaataan sun kasaarista jidhka dhadhanka cuntadana way wanaajiyaan.

Talooyin guud oo ku saabsan Sida sunta looga saaro jidhka adigoo isticmaalaya kaarooto.

  • Biyo badan cab maalintii si ay jidhka uga saaraan sunta
  • Samee jimicsi fudud, Sida Yogada, Inaad lugayso, waxay ka qayb qaadanayaan wanaajinta wareega dhiigga. Hurdo kugu filanna seexo.

Fiiro gaar ah:-

  • La tasho dhakhtarkaaga inta aanad samayn tallaabooyinkan sunta jidhka lagaga saarayo, Gaar ahaan haddii aad leedahay dhibaatooyin caafimaad.
  • Kaarootada waxa ka buuxa Antioxidents, Beta-carotene, iyo Faybar, Taas oo ka dhigaysaa mid aad ugu fiican Caafimaadka beerka iyo mindhicirada.Marka lagu daro waxyaabaha kaabaya Sida liin-dhanaanta, Sinjibiisha, Iyo caleemaha Sida saterka iyo baqduunaska.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *