Friday, April 18, 2025
Caafimaadka

Daawaynta dibirada caloosha iyo neefta iyadoo la isticmaalayo dhirta

Ma u baahantahay xal deg-deg ah oo awood kuu siinaya inaad iska dawayso dibirada caloosha iyo neefta badan adigoo gurigaaga jooga isticmaalayana dhir dabiiciya? Dibiraddu Waa dhibaato aad ka dareemayso caloosha iyo midhiciradda iyad oo ay keentay Gaasas ama hawo ku ururtay dhicirka yar. Taas ayaana keenta dibirada caloosha.Calool dibirka waxa badanaa la socda calaamado kale Sida casiraad, finan, xanuun, shuban, neefta oo kugu dhegta, iyo dhabar xanuun xaga hoose ah, waxa Jira dhawr arrimood oo keena oo keeni Kara dibirada, Sababto ugu wayn waxa weeyi gaasta midhicirta oo ururta, waxa kaloo Jira dhawr arrimood oo kale sida calool istaagga, cunta xumada, warwarka, Sigaar cabista, jidhkoon helin Biyo kufilan, hawada oo isku xajiso, cunista cunto xad-dhaafka ah, cuntada oo aan dheefshiidmin.

Qodobadan Soo socda Waa kuwa ugu muhiimsan ee lagu dawayn karo dibirada iyo naqaska adigoo gurigaaga jooga isticmaalayana dhirtan.

  1. Midhaha khamuunta [ Fanal Somali ]

Midha khamuunta waxa uu aad waxtar ugu leeyahay dhibaatooyinka dheefshiidka Sida dibirada sababtoo ah waxay caawinayaan soo saarista Naqaska, waxay yareeyaan Xanuunka caloosha.

Qaab Isticmaalka.

Cuntada ka dib cab . Kudar malqaacad Midhaha khamuunta 1 koob oo Biyo kulul ah, dabool koobka 5 ilaa 10 daqiiqo kudaa, ka dib shaandhee , 1koob ilaa 3 kood cab maalintii.

2. Nacnaac

Nacnaacu waxa uu ka koobanyahay saliidda mentho, taas oo saamayn kuleh muruqyada siman ee habdhiska dheef-shiidka. Tani waxay kaa caawinaysaa in ay yarayso bararka habdhiska dheef-shiidka, Xamaytida iyo xuubka Xamaytida.waxakale oo dajisaa Naqaska caloosha waxayna caawisaa in cuntadu Si dakhso ah ugu gudubto caloosha una gudubto mindhicirada.

Qaab Isticmaalka.

Calali caleemaha Nacnaaca oo fresh ah cuntada ka dib. Waxaad kalood samayn kartaa inaad biyo kulul kurido caleenta Nacnaaca oo daraya muddo 10 daqiiqo ah, Si maalinle ah u cab 1 koob ilaa 3 koob.

3. Sanjabiisha

Sanjabiishu Waa geed caana oo loo isticmaalo in lagu yareeyo naqaska caloosha iyo dibirada, maada ay ka koobantahay waxyaabo badan oo firfircoon, oo ay ka mid yihiin Gingerol iyo Compound lagu magacaabo glycolytic, taas oo ka caawisa yaraynta caabuuqa muruqyada mindhicirka iyo nasinta muruqyada xiidmaha.

Qaab Isticmaalka

Ku rid koob- 5-6 xabo oo khafiif ah oo Sinjibiil ah, kadibna ku shub Biyo karkaraya, dabool oo ku daa ilaa 10 daqiiqo, ka dibna ku dar malab iyo inyar oo liin dhanan ah oo cab saddex jeert maalintii.Sidoo kale malqaacad Sinjibiil daraya ah cun kahor cuntada, dadka waawayni waxay cuni karaan 0.25-1 garaam oo Sinjibiil laqalajiyay maalinkasta.

4. Chamomile

Chamomile waa dhirta wax ku ool ah oo looga talagalay dibiro sababtoo ah waxay leeyahay sifooyin calool bararka ka hortagga iyo laabjeexa.

Qaab Isticmaalka

Ku shib Biyo karkaraya koob ay ku Jiraan bacda shaaha Chamomile, dabool oo u ku daa muddo 10 daqiiqo.Ka doo saar bacda shaaha oo ku dar inyar oo liin dhadhan ah ama malab sidaas jeceshahay.Cab shaahan laba ama saddex jeer maalintii inta u dhaxaysa cuntooyinka dhexdooda.

5. Caraway —> Nooc kamida khamuunta

Caraway waxay leeyahay saamayn antispasmodic ah,Antispasmodic waxay dabciyaan murqaha si looyareeyo dibirada iyo xanuunka sababtoo ah waxay ka koobanyihiin kiimikooyinka Carvol iyo Carvin kuwaas oo caawiya inay dejiyaan nuduha muruqa siman ee Habka dheef-shiidka waxayna caawiyan inay soo saaraan caloosha ka Soo raan naqaska Si looga hortago dibirada.

Qaab Isticmaalka

Haddii aad kacabanayso dibiro joogto ah, Waa inaad calaalisaa iniinyaha Carawayga dhowr jeer maalintii, sidoo kale cab Shaah kasamaysan Caraway, Malqaacad yar ku dar inyar oo Midhaha laqalajiyay koob Biyo ah oo karkaraya, dabool ilaa 5 daqiiqo, ka dibna sidee oo cab.

6. Bocorka

Cunista Bocorka Waa hab aad u fiicna oo looga hortago Dibirada iyo Soo saarista Naqaska caloosha, maadaama Bocorku uu ka koobanyahay xaddi fiican oo fiitamiin A, Potassium, iyo fiber oo ka caawiya habka dheefshiidka inuu sifiican u shaqeeyo. Ku darista halkoob oo bocor ah cuntada wuxuu kaa caawinayaa hab-dhiska dheefshiidka in uu sifiican u shaqeeyo oo waxay yaraysaa dibirada, Bocorka Waa laysku uumin karaan ama laduban karaan.

7. Aniiska

Anise wuxuu ka koobanyahay waxyaabo antispasmodic ah oo kaa caawinkara in Si dhaqso ah habka dheef-shiidku u shaqeeyo, waxay leeyahay carminative kuwaas oo kaa caawinaya inay soo saaraan Naqaska caloosha ku urura iyo Habka dheefshiidka iyo yaraynta calool-dibirka, habka ugu fiican Waa inaad Shaah kasamaysato.Fiiro gaar ah: Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Maraykanka ayaa ka digaya in dhallaanka la siiyo shaaha anise sababtoo ah waxay u horseedi kartaa matag, hurdo la’aan, iyo dhaqdhaqaaq indho oo degdeg ah. Sidoo kale, haweenka uurka leh waa inaysan cunin anise.

Fiiro Gaara: Maamulka Cuntada iyo daawooyinka ee Maraykanka ayaa ka digaya in dhallaanka la siiyo shaaha Aniiska sababtoo ah waxay u horseedi kartaa matag, hurdo la’aan, sidoo kale haweenka uurka leh Waa inaanay cabin Aniiska.

8. Muuska

Muusku Waa il wanaagsan oo fiber ah oo kaa caawin kara yaraynta dibiro iyo Naqaska caloosha, calool istigaaga sidoo kale waxaan ku Jira Potassium, macdan ka caawisa nidaaminta heerarka dareeraha jidhka, waxayna caawisaa daawaynta dibirada.Cunista muuska oo si joogta ah loo cuno waxay meesha kasaartaa dibirada caloosha, waxa loo cunikaraa cunto fudud ama waxa lagu dari karaan khudaarta Sida saladhka ah amam macmacaanka.

9. Biyo diirran oo liin leh

Cabitaanka biyaha diirran ayaa faa’iido u leh caafimaadka sababtoo ah waxay ka caawiyaan inay jirka ka saaraan sunta waxyeelada leh, sidoo kale waxay ilaalisaa qoyaanka jirka, Liin dhanaanta waxay qani ku tahay fiitamiinnada B iyo C, calcium, fosfooraska, magnesium, borotiinno iyo karbohaydrayt oo ka caawiya habka dheefshiidka.Cabitaanka Biyaha diirran ayaa faa’ido u leh Caafimaadka sababtoo ah waxay kaa caawin karaan inay jirka ka saaraan sunta waxyeelada leh, sidoo kale waxay ilaaliyaan qoyaanka jidhka, Liin dhanaanta iyo Biyo diirran oo laysku daraya waxay faa’ido badan u leeyihiin habka dheefshiidka.Dibiradu waxay saamayn kartaa hawl maalmeedkaaga, hadaba daawooyinkan waxaad awoodaadi doontaa inaad ilaaliso Caafimaadka calooshaada. Si kastaba hanoqotee , haddii Dibirada calooshu ay yihiin kuwo dabo-dheeraaday, waxay u baahan karaan dawooyin, cunto iyo isbedel qaab nololeed, waana inaad sidoo kale Waa inaad latashataa dhakhtar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *